Mat i Sverige (Cutooyinka laga cuno Iswiidhen)

Farxad badanaa in aad xiisaynayso mashruuceena cilmi baarista ah ee Mat i Sverige. Cilmi baaristu waxa ay wanaajinaysaa sida aanu u baarno oo aanu u cabirno waxa ay dadku cunaan. Waxa ay gundhig u noqonaysaa mashaariic kale – oo ay ugu horeyso cilmi baaris weyn oo Örebro ka bilaabanaysa sannadka dambe.

test

Cilmi baaristani waa wada shaqayn ka dhaxeysa jaamacada Örebro iyo gobalka Örebro waxa aanu raadinaynaa ka qaybqaateyaal. Haddii aad danaynaysid in aad ka qayb qaadatid akhri macluumaadka oo diwaangali ka qaybqaadashadaada.

Sharaxaad dheeraad ah oo ku saabsan cilmi baarista
Sannadka soo socda gudihiisa waxa aanu kula soo xiriiri doonaa lix jeer. Waxa aad buuxin doontaa su´aalo waydiimo tixane ah oo ku saabsan cunto iyo sida aad wax u cunto. Haddii aad ku dhalatay meel ka baxsan Iswiidhen waxa aanu rabnaa in aan kula kullano hal mar si aanu kuu waydiino su´aalo ku saabsan cuntada aad soo iibsatid, sida aad cuntada u karsatid iyo xilliyada cuntada ee qoyskaaga.

Maxaanu u samaynaynaa cilmi baaristaan?
Waxaaanu doonaynaa in aanu sii wanaajino sida aanu u baarno una cabirno cuntada ay cunaan dadka degan Iswiidhen. Aqoonta aanu ka helno jawaabaha su´aalahani waxaa loo isticmaalayaa cilmi baarisyo kale. Mashaariicdaasi cilmi baarista ahi waxaa ku jira mashruuc cilmi baaris oo weyn oo gobolka ah, kaasi oo ay ka qayb qaadanaayaan 17 000 oo qoys, taasoo aanu ku darsi doono xiriirka ka dhexeeya cuntada iyo caafimaadka, anaga oo ahmiyad gaar ah siinayna caafimaadka iyo horumarka carruurta. Haddii la rabo in si ballaaran loo darso cunada waa in aanu ogaanaa sida ugu wanaagsan ee lagu cabiri karo cuntada ay dadku cunaan. Daraasadaani waxa ay muhiim u tahay sidii aanu u hubsan lahayn in aanu isticmaalayno qaabka ugu waxtarka wanaagsan.

Yaa ka qaybgali kara?
Dumarka uurka led ama dumarka leh carruur ay da´doodu ka yartahay 10 sannadood. Waxa aanu danaynaynaa in aanu ogaano nooca cuntada aad cuntid hadda, laakiin waxa aan xitaa ku waydiinaynaa cuntadii aad cuni jirtay xilligii aad uurka lahayd, mararka qaarna waxan ku waydiinaynaa cuntadii aad cuni jirtay markii aad naaska nuujin jirtay. Waxa aanu si gaar ah u danaynaynaa cuntooyinka ay doorbidaan inay cunaan dadka ku dhashay waddamada Suuriya, Ciraaq ama Soomaaliya, maadaama aanan u lahayn aqoon buuxda cuntada aad caadiyan cuntaan.

Haddii aad dareemayso inay kugu adagtahay ku hadalka luuqada Iswiidhishka, ama aad aaminsantahay in aqoontaada luuqada Iswiidhishka aanay kugu filnayn waxaa laguu qabanayaa turjubaan ku caawiya.

Dhowrista xogtaada shaqsiga iyo sida loo xafidayo
Dhamaaan xogta shaqsiyeed oo aad kaga qayb galayso daraasada waxaa loo xifidi doonaa si sugan oo la hubo. Xogta ku saabsan qaabka laguula soo xiriiraayo waxaa arki kara oo kaliya cilmi baarayaasha u baahan inay kula soo xiriiraan.  Jawaabta aad kaga jawaabto su´aalaha ama wareysiyada waxaa meel gaar ah loogu keydin doonaa si aan macluumaadkaag looga aqoonsan qofka jawaabta bixiyay in aad adiga tahay. Nadiijada daraasadan cilmi baarista ah waxa aanu ku soo bandhigi doonaa wargaysyada culuunta sayniska qora, laakiin marnaba ma soo bandhigi doono jawaabta uu shaqsi bixiyay, dadka ka qayb qaatay daraasada ama magacyadooda.

Haddii aad danaynayso?
Haddii ay kuula muuqato in daraasadan ay tahay mid xiise leh aadna doonayso in aad ka qayb qaadato, anagana aad nagu caawiso in aan qabano shaqadaan muhiimka ah, sii akhri macluumaadka loogu talo galay ka qaybgaleyaasha oo guji ama riix falaarta. Halkaas ayaanu marka hore eegi doonaa in aad ka qayb qaadankartid darasan cilmi baarista ah. Halkaas ayaa waxaa lagugu waydiin doonaa in aad bixisid ruqsadaada ogolaansho.